Wednesday, April 23, 2025
Array

AFRICOM oo Duqeyn Ka Geysatay gudaha Soomaaliya.

Muqdisho, 22 Abriil 2025 – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeeyay Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka Adan Yabaal, Soomaaliya, 16-kii Abriil 2025. Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Taliska.

AFRICOM ayaa sheegtay in aysan jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah intii lagu jiray duqeynta. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan ay tahay mid lagu xoojinayo awooda weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga hortagayo inay kooxdu sii wado hawlgallada ka dhanka ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

AFRICOM, ayaa balan qaaday in la shaqeynaysa Ciidamada Soomaaliya, ee hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya ay sii wadi doonto.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed April 16, 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here