Thursday, April 24, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Itoobiya

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa talaadadii sheegtay in heerarka nafaqo-darro ee dalka Itoobiya ay marayaan meelo halis ah, iyadoo 4.4 milyan oo haween oo uur leh iyo carruur ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar caafimaad iyo nafaqo.

Washington

Soomaaliya ayaa 23 April la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika intii lagu guda jiray shirka 24-aad ee Wasiirrada ee Iskaashiga Geeska Afrika, oo ka dhacay Bangiga Adduunka ee Washington, DC.

Kampala

Madaxdaxda wadamada qeybta ka ah Hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa isku imaanaya Kampala, Uganda 25-ka Abriil 2025, si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga iyo iskaashiga siyaasadeed ee ku saabsan Soomaaliya.

Jabuuti

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Hibo Muumin Casoowe, ayaa si rasmi ah u furtay xuska Maalinta Buugaagta Adduunka, oo sanadkan si heer sare ah looga xusay xarunta Madbacadda Qaranka ee caasimadda.

Garoowe

Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa si cad u diiday isku-day kasta oo lagu mideynayo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) iyo nidaamka diiwaangelinta iyo aqoonsiga ee heerka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid halis gelinaysa qaab-dhismeedka Federaalka iyo mabaadi’da gargaarka bini’aadantinimo.

Jigjiga

Magaalada Jigjiga ayaa martigelisay shirweynaha dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida, kaasoo si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Jabuuti

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa oo booqasho diblomaasiyadeed oo muhiim ah uu ku tagay Jabuuti, halkaas oo lagu soo dhoweeyey Madaxtooyada Jabuuti, isagoo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankan labada madaxweyne ayaa ahaa mid wadahadallo laba geesood ah, iyo saxiixa heshiisyo dhowr ah.

India & Pakistan

Xasaradaha u dhexeeya India iyo Pakistan ayaa sii kordhay ka dib weerar ay ku lug leeyihiin maleeshiyooyin oo ka dhacay Kashmir, kaasoo lagu dilay 26 qof oo ku sugnaa aagga dalxiiska ee Pahalgam. New Delhi ayaa joojisay heshiis biyo wadaag ah oo ay la lahayd Islamabad, isla markaana ka soo qaaday talo bixiyeyaasha milatariga ee labada dhinac. Pakistan ayaa hadda go’aamin doonta tallaabada ay qaadi doonto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here