Bosaso, Puntland – 24-kii Abriil 2025, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa shir looga hadlayay ka-hortagga Daacish kaga qeyb galay Bosaso. Shirka ayaa ka dhacay magaalada Hillac, waxaana ka qeyb-galay saraakiisha sare ee Ciidamada Puntland iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Shirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isku-xirnaanta hay’adaha amniga, baahida loo qabo in la adkeeyo sharciyada ka dhanka ah Daacish.
Shirka ayaa waxaa ka soo baxay Go’aamada ay ka mid yihiin
- Kor u qaadista howlgallada milatariga ee lagu dagaallamayo falalka khatarta ah iyo Daacish.
- Xoojinta ammaanka xuduudaha iyo dhaqangelinta shuruucda ka hortagga muhaajiriinta sharci-darrada ah.
- Waxaa ilaa amar danbe la mamnuucay gadaadiidka badda ee doonyaha xeebaha deegaanada uu howlgalka ka socdo.
- Iyo sidoo kale waxaa la joojiyay in wax raashin ah oo aan la aqoon halka loo wado aan la geynin deegaanada uu ka socdo howlgallka.
Madaxweyne Deni ayaa adkeeyay in la hirgeliyo tallaabooyin looga hortagayo Daacish, isagoo sidoo kale ka hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka iyo muhiimadda ay leedahay wacyigelinta shacabka.