Sunday, April 27, 2025

Wasiirka amniga Hirshabeelle oo la kulmay saraakiisha ATMIS ee Jowhar

Abukar

Jowhar, Hirshabeelle – 17 Abriil 2025

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamed Abdirahman Kheire, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Abdi Daahir Guure (Karoore), iyo Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Yuusuf, ayaa kulan amni la qaatay Saraakiisha Ciidanka ATMIS ee fadhigoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga gobolka, iyadoo Saraakiisha ATMIS ay si faahfaahsan uga warbixiyeen howlgallada la dagaalanka Khawaariijta iyo door muhiim ah oo ay ciidamada ATMIS ka qaataan hawlgalladaasi.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle ayaa si weyn ugu amaanay Saraakiisha ATMIS kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, isagoo carabka ku adkeeyay in Khawaariij meel kasta oo ay galaan laga daba tagayo.

“Khawaariijta rafashadii ugu dambeysay ayey ku jiraan. Hirshabeelle waxay noqon doontaa goobta ugu horreysa ee Soomaaliya laga xoreeyo,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Maxamed Abdirahman Kheire.

 Labada dhinac ayaa isku raacay in la kordhiyo wada-shaqeynta, iyadoo la adkeynayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgalayaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here