Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Uganda
Ra’iisul Wasaaraha Masar, Dr. Mustafa Madbouly, oo ka qaybgalay fadhiga furitaanka shirka dalalka ku mideysan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa ka hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dib u soo xoogeysteen, ayna khatar geliyeen guulihii ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka Alshabaab sannadihii 2022 iyo 2023, ay sabab u tahay taageerada beesha caalamka oo liidata.
Kismaayo
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga digtay shacabka Jubbaland qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo sheegtay in arrintani ay khilaafsan tahay shuruucda Jubbaland.
Baargaal
Taliska Booliska degmada Baargaal ee gobolka Raas Caseyr ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen gacanta laba doomood oo ay kooxo hubeysan horey uga qabsadeen xeebaha degmada.
Jabuuti
Waaxda Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti ayaa guul weyn ka gaartay mashruuca dayactirka markabkii ugu horreeyay ee laga qabto Jabuuti, ka dib markii Khamiistii la soo gabgabeysay dayactirkiisa.
Uganda
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Youssouf Ali, ayaa ka codsaday beesha caalamka inay soo uruuriso $190 milyan si loogu taageero isbeddelka iyo hawlgallada ATMIS iyo AUSSOM ee Soomaaliya. Codsigan ayaa yimid xilli uu ka socday shirkii muhiimka ahaa ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, oo lagu qabtay Entebbe, Uganda.