Monday, April 28, 2025

Wasaaradda Gaashanadhigga oo wasiirkii labaad loo magacaabayo muddo ka yar laba bil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, oo ilaa saddex xubnood gaareysa.

Isku shandhateentaan ayaa lagu sameeyey wasaaradda Gashaandhugga, wasaradda arrimaha Dibadda iyo raysulwasaare ku xigeenka labaad ee dalka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa xilkan cusub la wareegay kaddib muddo sannad ah oo uu horey u hayay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo ay uga sii horreysay wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee isla xukuumaddaan.

Sidoo kale, Jibriil Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda, isagoo ka yimid Wasaaradda Gaashaandhigga oo uu xilkaas hayay tan iyo 17-kii Maarso 2025.

Waxaa sidoo kale, Cabdi Salaam Cabdi Cali Dhaay loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana uu ka yimid Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hayay tan iyo 21-kii Oktoobar 2024.

Isku shaandheyntan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu sameeyo Ra’iisul Wasaare Xamse muddo ka yar laba bilood gudahooda ah iyado tii u dambetysay e euu sameeyey ay ahayd 17 March 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here