Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, oo ilaa saddex xubnood gaareysa.
Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli gaarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha doorashada la filayo sanadka 2026.
Muqdisho
Turkiga ayaa si weyn u kordhiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, isagoo soo diray 500 oo ciidan oo dheeraad ah kaddib weerarradii Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay agagaarka Muqdisho, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Middle East Eye.
Jabuuti
Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta duulimaadka rayidka iyo amniga cirka.
Jabuuti
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) in in ka badan 36,000 oo qaxooti ah oo ku sugan dalka ay wajahaan xaalad dhaqaale oo aad u adag, taasoo adkeyn doonta in Jabuuti ay kaligeed sii waddo taageerada haddii ay waaydo taageerada UNHCR.
Calmiskaad
Ciidamada ciribtirka argagixisada ayaa sheegay in ay dileen nin ka tirsanaa kooxda Daacish. Taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa war qoraal ah oo uu baahiyay ku sheegay in ciidamadu ay dileen xubin ka tirsanaa Daacish, kaas oo ku howlanaa aasida miino uu dhigayay inta u dhexeysa deegaanka Turmasaale iyo Makadaan.