Garoowe, Soomaaliya – Puntland ayaa soo saartay go’aamo ku saabsan xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada Puntland. Go’aankan ayaa lagu soo saaray kadib kulan ay yeesheen Wasaaradaha Amniga, Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland, Laanta Socdaalka, iyo Maamulka Garoonka Garoowe.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland maanta ayaa lagu sheegay in shirka lagu soo saaray ilaa shan go’aan oo ay ka mid yihiin tallaabooyinka laga qaadayo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya.
“Waxa la go’aamiyay in si adag sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha ka shaqeeya tahriibta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Shirka ayaa lagu go’aamiyay:
- In si buuxda looga hortago dhammaan falalka sharci-darrada ah ee garoomada laga dhoofo.
- In la joojiyo tahriibka sii kordhaya ee dhibta ku haya dhalinyarada naf iyo maalba.
- In si wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh ka hortagga tahriibka.
- In si adag sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibka ka shaqeeya.
In shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay ka wada shaqeeyaan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka.