Monday, April 28, 2025

Hirshabeelle oo shaqo gudasho la’aan u ceerisay wasiir

Jowhar, Soomaaliya – Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa shaaciyey sababta uu xilka uga qaaday Wasiirkii Howlaha Guud ee Hirshabeelle, taasoo uu ku sheegay in ay sabab u tahay dayacaad shaqo.

Guudlaawe ayaa sheegay in xilkaqaadista ay ku timid kadib markii Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Jaamac Xuseen Xaashi uu ku guuldareystay hirgelinta dhismaha jidadka, waxaana uu si cad u sheegay in shaqo-hufan oo dhab ah ay ku xirantahay isla-xisaabtan adag.

“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Hirshabeelle, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa hadalkaan ka sheegay intii lagu guda jiray shirkii Gollaha Wasiirrada ee uu shir-guddoomiyey maanta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa 26-ka Abriil xilka ka qaaday Jaamac Xuseen Xaashi, Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, isaga oo markaas xilkaas u magacaabay Maxamuud Xasan Bariise oo manata loo dhaariyey xilkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here