Wednesday, April 30, 2025
Array

Somaliland oo Balanqaaday Sii Deynta Maxaabiista Dagaalkii Sool

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa balan qaaday in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ay Somaliland ku qabatay dagaalkii Sool.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ay mudnaan gaar ah siin doonaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal xoog leh ku bixin doonto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaanada Sool.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli bilowgii bishaan ay deegaanada SSC-Khaatumo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin maxaabiis isdhaafsiga, iyadoo dowladda dhexe ay ku soo wareejisay maxaabiis ay ku soo qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanadaas.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Maalim, ayaa booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood ka dib sheegay in Maamulka SSC-Khaatumo uu 25 maxaabiis u wareejiyay Dowladda Federaalka si shuruud la’aan ah, isagoo ugu baaqay maamulka Somaliland inay qaadaan tallaabo la mid ah, isla markaana sii daayaan maxaabiista ku xiran Hargeysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here