Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in muddo 14 maalmood ah lagu kordhiyay waqtiga diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee dalka, taasoo horey ugu ekayd 29-kii Abriil 2025.
Go’aankan ayaa lagu saleeyay codsiyo badan oo ay soo gudbiyeen ururro siyaasadeed oo maraya heerarkii ugu dambeeyay ee buuxinta shuruudaha iyo diyaargarowga dukumentiyada rasmiga ah ee looga baahan yahay.
“Anagoo tixgelinayna codsiyada naga soo gaaray ururrada siyaasadeed oo mareyso heer gabagabo ah, waxaan go’aansanay in aan mudada kordhino 14 maalmood,” ayaa lagu yiri bayaanka guddiga.
Waqtiga cusub ee kama dambaysta ah ee diiwaangelinta ayaa noqon doona 14-ka May 2025.
Tani waa waqtigii saddexaad ee dib loo kordhiyo mudada diiwaangelinta tan iyo markii si rasmi ah loo furay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed 20-kii Janaayo 2025.