Thursday, May 1, 2025
Array

Guddoonka Golaha Shacabka oo Ganaax Ku Riday Xildhibaanno Mooshin Ka Wadey

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si rasmi ah u ganaaxay 24 xildhibaan oo laga mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada baarlamaanka, kaddib rabshado gacan-ka-hadal ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha 30-kii Abriil 2025 ayaa lagu sheegay in xildhibaannada la ganaaxay ay ku xadgudbeen qodobbada 14aad, 16aad, iyo 28aad ee xeer-hoosaadka Golaha, gaar ahaan dhacdadii rabshadda ahayd ee ka dhacday gudaha golaha isla maalintaas.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo anshaxa baarlamaanka, nabadgelyada xarunta, iyo habsami-u-socodka nidaamka sharci-dejinta. Wuxuu intaas ku daray in tallaabadaasi ay waafaqsan tahay awoodaha uu siiyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

“Sababo la xiriira amniga, waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha Shacabka in uu ka joojiyo xubnaha xildhibaannada magacyadooda hoos ku qoran ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka guddoonka.

Xildhibaannada la ganaaxay ayaa sidoo kale loo gudbiyay Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda si ay u qiimeeyaan ficilladooda una soo jeediyaan talo sharci ah oo ku saabsan hab-dhaqankooda.

Waxaa xusid mudan in afarta wasiir ee ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kamid yihiin xildhibaannada la ganaaxay: Maxamed Cabdiqaadir Xaaji, Cumar Cali Cabdi Maxamed, Isaaq Maxamed Mursal, iyo Maxamed Cismaan Cumar.

Ganaaxan ayaa daba socday fal gacan-ka-hadal ah oo ka dhacay fadhigii baarlamaanka ee shalay, kaas oo salka ku hayay mooshin ay wadeen xildhibaanno doonayay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Inta badan xildhibaannada la ganaaxay ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen taageerayaal u ahaa mooshinkaasi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here