Somaliland ayaa ku amartay dhammaan dadka ajaanibta ah ee sharci la’aan ku jooga deegaanadeeda in ay muddo saddex (3) maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa 30-ka Abriil 2025 uga baxaan deegaannadooda.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay intii uu socday shirkii Golaha Wasiirrada ee 30-ka Abriil, kaas oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Soomaalilaan, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
“Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu soo saaray go’aan ah in dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Somaliland sharci la’aanta ku jooga ay muddo 3 maalmood gudahood ah kaga baxaan dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa golaha uga warbixiyay xaaladda guud ee amniga, isagoo sheegay in nabadgelyada guud ahaan ay sugan tahay, marka laga reebo fal-dambiyeedyo iyo shilal maalinle ah oo ka dhaca gudaha bulshada.
Wasiirku wuxuu sheegay in go’aankan uu ka dhashay wada-tashi ballaaran oo lala yeeshay hay’adaha amniga, iyadoo ujeedadu tahay in laga hortago khataraha amni ee laga yaabo inay ka yimaadaan dadka aan sharciyadda lahayn ee ku sugan Somaliland.
Laamaha amniga ayaa la faray in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo muddadaas ka dib si sharci-darro ah ku sii joogta Somaliland.