Libreville, Gabon – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay gaaraycaasimadda dalka Gabon, Libreville, si uu uga qeybgalo xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi Brice Clotaire Oligui Nguema, oo dhawaan loo doortay hoggaaminta Gabon.
Madaxweyne Geelle ayaa garoonka diyaaradaha Gabon si weyn loogiu soo dhaweeyey markii uu gaaray .
Booqashada madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wafdi ballaaran oo ka kooban xubno ka tirsan dowladda, oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabduqaadir Xuseen, iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Gabon, Maxamed Burhaan Cali.
Xafladda caleema-saarka ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Gabon, iyadoo la filayo inay ka qeybgalaan madax ka kala socda qaaradda Afrika iyo caalamka.
Brice Clotaire Oligui Nguema waxa uu ahaa siyaasi iyo sarkaal milatari oo u dhashay dalka Gabon, kaasoo hadda ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gabon.
Wuxuu xilka la wareegay kadib afgambi milatari oo dhacay bishii Agoosto 2023, kaasoo lagu riday madaxweynihii hore, Ali Bongo Ondimba. Oligui Nguema ayaa doorasho lagu qabtay 12-kii Abriil 2025 ku guuleystay madaxweynenimada dalkaasi, isagoo helay 94.85% codadka, waxaana maxkamadda dastuuriga ah ee Gabon ay si rasmi ah u xaqiijisay guushiisa.