Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynihii Nabadaynta Ceel-Afweyn, kaasoo lagu guuleystay in lagu soo afjaro khilaafaad muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo ku dhaqan gobolka Sanaag.
Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Ceel-Afweyn ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka gobolka Sanaag, culimaa’udiin, madax-dhaqameed, iyo mas’uuliyiin kale. Shirku wuxuu ku soo dhammaaday go’aamo wax ku ool ah oo si dhab ah loogu wajahayo xal u helidda colaadaha deegaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in ujeeddada shirka tahay in Ceel-Afweyn laga dhiso bulsho is jecel, is fahamsan, kana fog dagaal, dil iyo qabyaalad.
“Waxaan rabnaa Ceel-Afweyn isku dan ah, oo aan dagaal iyo qabyaalad ka dhex jirin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi.
Waxa uu intaas ku daray in himilada cusub ee Somaliland ay tahay in bulshada loo horseedo nolol nabadeed iyo horumar waara, isagoo carrabka ku adkeeyay in nabaddu sal u tahay dowladnimo iyo horumar.