Boosaaso, Soomaaliya – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa shaaciyay go’aammo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa ciidamada hubeysan ee ku sugan magaalada Boosaaso, si loo xoojiyo amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda.
Go’aamadan ayaa kasoo baxay shir ballaaran oo 4 May 2025 ka dhacay xarunta maamulka gobolka Bari, kaas oo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Amniga Puntland, saraakiisha ciidamada PMPF, maxkamadaha, iyo guddiga amniga gobolka Bari. Shirkan oo ahaa mid amniga diiradda lagu saaray ayaa si gaar ah looga hadlay sidii loo hagaajin lahaa kala dambeynta ciidamada iyo ka hortagga fawdo ka dhalata askar hubeysan oo si aan nidaamsaneyn uga dhex muuqda magaalada.
“Waxaa laga wad hadlay in ciidamo kasta ay ku suganaadaan xarumahooda rasmiga ah, isla markaana sarkaal walba uu si buuxda mas’uul uga yahay xakameynta ciidankiisa.” Ayuu yiri Taliye Cabdiqaadir Jaamac Dirir.
Wuxuu sheegay in magalada ay ku badanyihiin askarta hubeysan sidaas ay qasabtahay in xarumooda aysan soo dhaafin, amaankana loo daayo ciidamada ku shuqulka leh.
Waxaa kaloo uu xusay in Boosaaso ay horumar la taaban karo ku tallaabsatay marka loo eego afar ama shan bilood ka hor, isagoo ammaanay wada shaqeynta laamaha amniga, ganacsatada, iyo bulshada rayidka ah.
Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku booriyay laamaha kala duwan ee Puntland iyo shacabka in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda magaalada Boosaaso, isagoo xusay in isla xisaabtan dhab ah uu ka bilowday gobolka, lagana hortagayo in ay si fudud uga baxsadaan kuwa dambiyada geysta.