Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyay inuu wado qorshe lagu burburinayo Madasha Wadatashiga Qaranka, isaga oo doonayo in loo beddelo xisbi siyaasadeed uu isaga gaar u leeyahay.
Farmaajo ayaa sheegay in qorshahan uu halis gelinayo midnimada iyo xasilloonida dalka, isla markaana uu dib u dhigi karo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in haddii Madashu u gacan gasho hal xisbi, ay taasi horseedi karto doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhameyn.
Farmaajo wuxuu ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedyada ka qeybgalaya Madasha – Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo – iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, in ay dib uga fiirsadaan ka mid noqoshada nidaam siyaasadeed ama xisbi aan sharciyadiisa la isla ogoleyn. Hadalka Farmaajo ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ku xeeran mustaqbalka Madasha Wadatashiga Qaranka iyada oo puntland iyo jubaland aysan qeyb ka aheyn shirkaan