Hargeysa – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo ku wajahan dhammaan ajaanibta aan sharciyeysnayn ee ku sugan deegaanada Somaliland, iyadoo ku amartay inay is-diiwaangeliyaan muddada u dhaxaysa 6-da ilaa 26-ka May 2025.
Sida ku cad warqadda rasmiga ah ee wasaaraddu soo saartay 7-da May, dadka is-diiwaangeliya muddadaasi waxay heli doonaan ogolaansho ku meel gaar ah.
“Qof is diwaan geliya waxa la siin doonaa ogolaansho ku meel gaadh ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.
Ajaanibta raba inay sii joogaan Somaliland ayaa lagu wargeliyay inay codsiyadooda u gudbiyaan Ciidanka Socdaalka, iyadoo looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudaha la xiriira joogitaankooda iyo inay bixiyaan lacagta ajuurada ah.
Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in qof kasta oo aan is-diiwaangelin muddada la qabtay uusan xaq u lahayn inuu sii joogo gudaha Somaliland, iyadoo ciidamada socdaalka la faray inay qaadaan tallaabo sharciyeed oo waafaqsan.
Intii lagu guda jiro muddada diiwaangelinta, ma jiri doonto tarxiil ajnabi, marka laga reebo dadka ku xadgudba sharciga, sida lagu xusay qoraalka.
Go’aankan ayaa daba socda amarkii kasoo baxay Somaliland 30-kii April, kaas oo dhammaan ajaanibta sharci la’aanta ah loogu qabtay saddex maalmood inay Somaliland kaga baxaan.