Saturday, May 10, 2025

Mareykanka oo u digay Soomaaliya

Muqdisho, 9 May 2025 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan qaybta u qaabilsan Arrimaha Afrika, ayaa si cad uga hor timid war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, iyada oo sheegtay in go’aanno kasta oo aysan dhammaan Dowlad Goboleedyadu ku lug lahayn ay noqonayaan kuwo aan sharciyad buuxda lahayn.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Dhammaan daneeyayaasha khuseeya waa in ay ka qayb qaataan go’aan ka gaarista isbeddelada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aannada aan haysan taageero ballaaran waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad lahayn, waxayna carqaladayn doonaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga ee taagan.”

Mareykanka ayaa si toos ah ugu sheegay Villa Somalia in muhiimad gaar ah la siiyo ka qeybgalka dhammaan dowlad-goboleedyada iyo daneeyayaasha muhiimka ah marka laga hadlayo arrimaha la xiriira hanaanka federaalka iyo doorashooyinka dalka.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo go’aannadii ugu dambeeyay ee Madasha Wadatashiga Qaranka ay dhaliil xooggan kala kulmeen maamulada qaar sida Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ka maqnaa shirka, iyaga oo horey u muujiyay walaac ku aaddan hannaanka loo wajahayo dib-u-habeynta siyaasadeed ee dalka.

Mareykanka ayaa mar kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta siyaasadeed ee loo dhan yahay, si dalka uga gudbo caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee horyaalla.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here