Addis Ababa – Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa adkeeyay iskaashiga ka dhexeeya ee ku aaddan horumarinta beeraha Afrika, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray hirgelinta Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).
Kulankan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa ururada heer gobol iyo heer qaran, si loo dardargeliyo horumarka beeraha iyo sugnaanta cunnada qaaradda.
Daher Elmi, Agaasimaha Qaybta Beeraha iyo Deegaanka ee IGAD, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf. Labada mas’uul ayaa isla gartay in mudnaan la siiyo kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha, iyadoo laga duulayo Bayaanka Kampala ee la ansixiyay bishii Janaayo 2024.
IGAD ayaa dhankeeda wadda qorshe ballaaran oo lagu maalgelinayo beeraha gobolka, iyadoo la adeegsanayo mashaariic hal-abuur leh oo lagu taageerayo dowladaha xubnaha ka ah ururka. Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu gaarayo madax-bannaanida cunnada ee qaaradda Afrika, iyadoo la tiigsanayo adeegsiga ilaha dabiiciga ah ee hodanka ku ah dalalka Afrika.
Tallaabooyinka la qaaday ayaa muujinaya go’aanka adag ee hay’adaha Afrika inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugnaanta cunnada, adkeysiga cimilada, iyo horumar waara oo lagu gaarsiiyo beeraleyda Afrika fursado la taaban karo.