Sunday, May 11, 2025

Somaliland: Sanduuqa Qaranka ee Daryeelka Agoonta oo la Aasaasay

Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Daryeelka Agoonta,

Madaxweynaha Somaliland ooo daahfurayay maalinta iskaashiga shacabka Somaliland ayaa  sheegay in tallaabadan tahay mid  lagu xoojinayo mas’uuliyadda  Somaliland  ee daryeelka carruurta agoonta ah.

Ciro ayaa sidoo kale ku ku dhawaaqay in 10-ka May sanad kasta laga xuso doono Somaliland Maalinta Is-taakulaynta, taasoo lagu xasuusan doono muhiimadda gargaarka iyo daryeelka dadka nugul.

“waxan kalo halkan kaga dhawaqaya in qaranku carurta halkan jogta iyo kuwa iman dona uu dhamanad qadayo ,wuxu damanad qadaya qaranku noloshooda,” ayuu yiri Madaxweyne Ciro

Ugu danbeen madaxweynaha Somaliland  ayaa sheegay in Somaliland ay si buuxda u garab taagan tahay mashruucan, islamarkaana ay mudnaan siin doonto sidii loo sugi lahaa nolosha, waxbarashada, iyo mustaqbalka carruurta agoonta ah ee Somaliland.

Sanduuqaan daryeelka Agoonta  ayaa noqon doona mid sharci gaar ah yeelan doona, lehna maamul madax bannaan iyo guddi korjoogto ka ah sida  ay sheegtay  Somaliland.

Share this article

Recent posts

Previous article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here