Friday, May 23, 2025

Xildhibaano eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya

Soohoyde

Muqdisho – In ka badan 100 xildhibaan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareynayaan tallaabooyin ay sheegeen inuu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo wiiqaya midnimada qaranka.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, kaddib markii uu horey uga horyimid maamulada Puntland iyo Jubaland, halka uu maamulada soo harayna ku qasbay inay xubno ka noqdaan xisbiga uu hoggaamiyo ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

War-saxaafadeedka ayaa si cad u xusay in xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka ay halis gashay.

Xildhibaannadu waxay si gaar ah u carrabaabeen in Madaxweynaha uu jebiyay qodobbada 43aad, 50aad iyo 51aad ee Dastuurka KMG, kuwaas oo qeexaya kala sarreynta awoodaha dowladda, ilaalinta hannaanka dowlad-dhisidda, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay:

  • In go’aannada siyaasadeed ee dhowaan la gaaray aysan ahayn kuwo lagu wada heshiiyey balse ay yihiin kuwo ka tarjumaya aragtida hal xisbi siyaasadeed.
  • In awoodda sharci-dejinta ee Baarlamaanka si ula kac ah loo baalmaray, iyadoo la xadgudbay doorkii kormeer iyo la xisaabtanka ee xildhibaannadu lahaayeen.

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu si degdeg ah ugu soo laabto dariiqa sharciga ah, Haddii uu arrintan ku guulaysan waayo, waxay si cad u sheegeen in ay soo jeedinayaan inuu xilka iska casilo si loo badbaadiyo dalka iyo dowladnimadiisa.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli  magaalada Muqdisho dhawaan lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo ay hoggaaminayaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada, taasoo  kordhisay walaaca ay qabaanXubnaha mucaaradka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here