Balbala, Jabuuti – Degmada Balbala ee dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilaawday qabanqaabada xuska maalmaha xornimada dalkaasi, iyadoo la bilaabay olole loogu magac daray “Balbala oo Howlgalaysa.”
Kulankaan hordhaca ah ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socday degmooyinka dalka, guddoomiyaha degmada Balbala, iyo qaybo kala duwan oo bulshada ah. Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loogu diyaar garoobi lahaa dabaal-degga sannad-guurada 48-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jabuuti oo la helay 27-kii Juun 1977.
Intii uu kulanka socday, waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha howlgalka diyaar-garowga, kuwaas oo diiradda lagu saaray nadiifinta wadooyinka, qurxinta deegaanka, iyo beerista dhir cusub — si loo muujiyo muhiimadda ay leedahay maalinta qaran ee xornimada.
Guddoomiyaha degmada Balbala ayaa sheegay in hawlaha diyaar-garowga ay socon doonaan muddo 45 maalmood ah. “Maanta waxaan u fadhinaa arrin qurux badan, waa calankii Jabuuti oo 48 sano jirsaday. Shaqadii diyaar-garowga waxaan ka bilaabaynaa Balbala,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Dhankiisa, Wasiirka Ballaarinta Maamulka ee Jabuuti ayaa xusay in diyaar-garowga maalmaha xuriyadda uu yahay arrin leh muhiimad gaar ah, isagoo ku booriyay degmooyinka kale in ay tusaale ka qaataan Balbala oo noqotay degmadii ugu horreysay ee hawshan bilowda sanadkaan.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la filayaa in ay si weyn ugu dabaaldegto sanad-guuradan 48-aad ee xornimada, iyadoo laga xuso dhammaan gobollada dalka jabuuti 27-ka Juun 2025.