Baraawe, Shabeellaha Hoose – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel ku dhow duleedka magaalada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen kooxda Al shabaab sida ay baahisay warbaahinta dowlada. saraakiisha hoggaaminayay howlgalkan ay xaqiijiyay in Al shabaab laga saaray dhul ballaaran oo ay horey u joogeen.
Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalkan uu yahay qeyb ka mid ah dadaallada ciidamada ku bixiyaan sugidda ammaanka deegaannada hoos yimaada magaalada Baraawe, si looga hortago weerarrada iyo falalka amnidarada ah.
Ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay sii wadi doonaan hawlgallada noocan oo kale ah, si loo xoojiyo nabadgelyada guud ee gobolka,
Deegaanada koonfur galbeed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka socday howlagalo ka dhan Al shabaab.