Gaarisa, Kenya – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay bandhigga dhaqanka Gaarisa oo sanadkiiba mar la qabto, kaas oo ah munaasabad weyn oo lagu soo bandhigo dhaqamada kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Madaxweynaha ayaa ka helay casuumaad rasmi ah masuuliyiinta dalka Kenya, taas oo uu kaga qaybgalay munaasabaddan lagu xusayo midnimada, wada noolaanshaha, iyo soo bandhigista hiddaha iyo dhaqanka bulshada gobolkaas, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee qaybta weyn ka ah nolosha iyo dhaqanka gobolka.
Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweyne Mustafe ayaa jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xuska dhaqanka iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya dadka gobolka iyo ummadaha dariska ah. Waxa uu xusay in munaasabaddu tahay fursad lagu xoojiyo is-dhexgalka bulshooyinka, lana dhiirrigeliyo farshaxanka, suugaanta iyo cunto dhaqameedka.
“Dhaqanku waa shay muhiim u ah bulsho kasta. Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho leh dhaqan aad u qani ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan isku aragno in aan nahay dadkii inta badan kaydinayey una heelan ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed, ha noqoto luqadda, gabayada, fanka, ama qeybaha kale ee dhaqanka.”ayuu yiri Mustafe Muxummed Cumar.
Munaasabadda bandhigga dhaqanka Gaarisa ayaa ah mid sannadle ah, waxaana ka qayb gala dadweyne badan oo ka kala socda gobollada kala duwan ee Kenya iyo dalalka deriska ah, kuwaas oo halkaas ku soo bandhiga hiddahooda iyo dhaqamadooda.