Sunday, May 25, 2025
Array

Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Axdi Afrikaaneed oo dood ka dhaliyey golaha Shacabka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 14-aad ee Kalfadhiga 6-aad, iyaga oo akhrinta koowaad marsiiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, oo ay horgeysay Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wasiirka Wasaaradda, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulanka ka horjeedisay faahfaahin ku saabsan axdigan, waxayna tilmaantay in uu muhiim u yahay horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta qaaradda Afrika. Waxa ay xustay in axdigani yahay mid ay ansixiyeen 51 waddan oo ka tirsan Midowga Afrika, halka Soomaaliya weli aysan saxiixin.

Balse, akhrinta axdigan ayaa dhalisay dood adag oo dhex martay xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha Golaha ay si cad uga horyimaadeen qodobo gaar ah oo ay ku sheegeen inay “ka hor imaanayaan diinta Islaamka.”

Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga soo horjeeday Qodobka 9aad ee axdiga, faqradiisa 1aad, oo dhigayay in “ilma kasta uu xaq u leeyahay xorriyadda fikirka, damiirka iyo diinta.” Tani ayaa dood weyn ka dhalisay, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in qodobkani uu ka hor imaanayo diinta Islaamka.

Sidoo kale, Qodobka 2aad ee axdiga, oo qeexaya in “caruur” micnihiisu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18 sano, ayaa sidoo kale muran badan ka dhaliyay xubnaha Golaha Shacabka.

“Sharcigaan diintuu kasoo horjeedaa mudane gudooomiye, waa sharci aan diinteena islaamka ee suuban aan waafaqsaneen, mudane maadaama sharcigaan uu qodobkaas jabiyay waxaan soo jeedinayaa in la celiyo” Cabdirashiid Jiley xildhibaan.

Dhanka kale, xildhibaanada qaar ayaa si xooggan u taageeray axdigan, iyaga oo ku dooday in axdigaan uu yahay mid lagama maarmaan u ah daryeelka caruurta iyo ilaalinta xuquuqda ee guud ahaan qaaradda Afrika.

“Warka yaan la qaloocin, marka ilmaha la dilayo diinta ma waafaqsantahay , oo kilyaha lagala baxayo, ilamaha waxooda hala daayo, hana la hagaajiyo, ilmaha xaquuqdooda halaga hadlo, warkana yaan la qalqaloocinin” xildhibaan Sareedo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Qoyska ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed AlMakhzoumi, ayaa sheegtay in qodobada muranka ka dhashay ay furantahay in laga wada hadlo. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in axdigaan uu muhiim u yahay wadajirka qaaradda Afrika, inkastoo ay jiraan farqi u dhexeeya waddamada ku lugta leh

Axdigan Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta ayaa la hirgeliyay 1999kii, waxaana qeyb ka ah 51 wadan oo ka tirsan Midowga Afrika. Soomaaliya ayaa ka mid ah 4 dal oo aan qayb ka aheen  axdigaan qaarada oo idil illaa hadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here