Saturday, May 24, 2025

Bandhig Calaf & Caano oo Ka Dhacay Qabribayax

QABRIBAYAX, 20 May 2025 – Magaalada Qabribayax ayaa martigelisay bandhig carweed si weyn loo soo agaasimay, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray wax-soosaarka calafka xoolaha, caanaha iyo isticmaalka tignoolajiyada casriga ah ee kobcisa wax-soosaarka dhaqaalaha deegaanka.

Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda VSF ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka degmada Qabribayax, iskaashatooyinka ka faa’iideystay mashruuca iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Ujeeddada bandhigga ayaa ahayd in la muujiyo horumarka laga sameeyay dhinacyada wax-soosaarka caanaha iyo calafka xoolaha, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyo casri ah oo la jaanqaadaysa baahiyaha deegaanka iyo bulshada reer miyiga.

Masuuliyiinta hay’adda VSF iyo kuwa maamulka degmada Qabribayax ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray bandhigga, iyagoo carabka ku adkeeyay in mashruucu uu faa’iido u leeyahay bulshada deegaanka iyo qaxootiga deggan halkaas, islamarkaana uu gacan ka geysan doono horumarinta suuq-gaynta, wax-soo-saarka iyo helidda calaf tayo leh.

Guddoomiyaha degmada Qabribayax, Khalid Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in bulshadoodu ay aad ugu tiirsan tahay dhaqashada xoolaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la helo calaf iyo caano nadiif ah:
“Bulshadeennu waxay inta badan ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha, marka la joogo miyiga waa muhiim in la helo calaf tayo leh iyo caano nadiif ah oo bulshada caafimaad u leh. Haddii taas la helo, bulshada waxaa horyaalla barwaaqo iyo horumar,” ayuu yiri.

Bandhiggan ayaa loo arkaa mid xoojinaya isku xirka hay’adaha, bulshada iyo maamulka si loo kobciyo nolosha dadka ku tiirsan xoolaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here