Friday, May 23, 2025

Hirshabeelle oo Ku Dhawaaqday Guluf Cusub oo Lagula Dagaalamayo Al-Shabaab

War-gaadhi, Hirshabeelle, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa ku dhawaaqay guluf mideysan oo lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in hawlgalkani uu noqon doono mid lagu soo afjarayo kooxdan ka hawlgasha Soomaaliya.

Cali Guudlaawe ayaa gulufka kaga dhawaaqay intii uu ku guda jiray kormeer furimaha ciidamada amniga, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka-sida iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulamo gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, kuwaas oo ka wada hadlay farsamooyinka iyo qaabka uu noqon doono howlgalka cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale guubaabin u sameeyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan goobaha uu booqday.

“Hirshabeelle waxay ku guuleysan doontaa dagaalka, waxaana laga soo gudbi doonaa waqtigan adag,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo xusay in gulufka cusub uu noqon doono mid taariikhda badbaado u ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi u diray shacabka iyo geesiyaasha nafta u huray dagaalka, isagoo ku baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here