Friday, May 23, 2025

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo Yeelatay Xarun Cusub.

Muqdisho, 20 May 2025 – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furtay xarun cusub oo u gaar ah wasaaradda, taasoo ay ku baxday maalgelin ka timid kharashaadka wasaaradda. Xarunta cusub ayaa ka kooban lix dabaq, iyada oo leh hool shirarka iyo munaasabadaha muhiimka ah, iyadoo maanta lagu qabtay xaflad xarig-jarka.


Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sheegay in haddii loo baahdo, xarunta cusub loo wareejin karo wasaarad kale ayna diyaar u yihiin taasoo muujineysa diyaar-garowga wasaaradda ee wada shaqaynta hey’adaha kale ee dowladda.

“Anaga barigii uun dhisa ayaa natiriyaye, hadii cid naga daran madaxweyne ay jirto oo aad saakay leedahay ka dareera hay’adaasaa idinka daranee, diyaar ayaanu nahay” Wasiir Roobow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka soo qeyb galay munaasabadda daahfurka xarunta, ayaa hogaamiyayaasha wasaaradda ku amaanay shaqada ka qabateen arrimaha xajka, isla markaana bogaadiyay in xarunta cusub ay tahay horumar ballaaran oo laga gaaray adeegyada wasaaradda, waxna ay ku soo kordhisay marka la barbar dhigo maamuladii hore.

“Dhismahan waa tusaale muujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka go’naasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeegga loo hayo muwaadiniinta.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xarunta cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa ah mid casri ah, oo ka kooban lix dabaq, waxaana loo qorsheeyay inay u adeegsato hawlaha maamulka, waaxaha wasaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here