Thursday, May 22, 2025

Tallaalka Xoolaha oo Ka Bilaabmay Degmooyinka Dawo

DAWO, DDS – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah uga bilaawday ololaha tallaalka xoolaha degmooyinka gobolka Dawo, gaar ahaan ariga, si looga hortago cudurrada halista ah ee ku dhaca xoolaha xilliyada roobka iyo cudurrada sambabada.

Tallaalkan oo lagu wado in lagu tallaalo in ka badan 500,000 neef oo ari ah, ayaa si gaar ah diiradda u saaraya ka hortagga xanuunnada inta badan ku dhaca ariga xilliyada isbeddelka cimilada.

Ololaha tallaalka ayaa waxaa fulinaya Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Dowladda Deegaanka Soomaalida, iyadoo lagaashanaysa hay’adda FOA. Waxaa si toos ah looga bilaabay afar degmo oo ka tirsan gobolka Dawo, waxaana la qorsheynayaa inuu socdo muddo toban maalmood ah.

Degmada Mooyaale ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee laga hirgaliyo tallaalkan, iyadoo shacabka deegaanka loogu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay u badbaadiyaan xoolahooda kana hortagaan cudurrada ba’an ee sababa dhimashada badan ee xoolaha.

“guud ahan afarta degmo gobolkenu ka kobanyahy talalku wuka bilowmay tirade xolahana wa 500.000 kun oo neef ah ”dguubow macalin iskuduwaha xafiiska hormarinta xoolaha –dhaqatada gobolkja dawo

Ololahan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay wado dowlad deegaanka Soomaalida, kaas oo lagu xoojinayo wax soo saarka iyo caafimaadka xoolaha, si loo horumariyo nolosha xoolo-dhaqatada iyo dhaqaalaha deegaanka guud ahaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here