Thursday, May 22, 2025

Madaxweyne Cirro oo Booqasho Ku Tegay Jabuuti

Hargaysa — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalin ah.

Warbaahiinta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah oo diiradda lagu saarayo xiriirka iyo danaha iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac.

Booqashada Cirro ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo Cirro, kuwaas oo qeyb ka noqon doona wada-hadallada labada dhinac.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweyne uu si gaar ah diiradda u saari doono xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti.

Dowladda Jabuuti ayaa dhankeeda soo dhaweysay booqashada Cirro, iyadoo sheegtay in safarkan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan soo dhawayno Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Djibouti iyo Somaliland waa labo laamood oo jirid mid ah, walaalo ilahay noo wada dhaliyay, waana in aan mar walba iskaashi iyo wadajir u sii wadnaa,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah midii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Cirro ku tego Jabuuti tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Somaliland, booqashadan ayaana la filayaa in ay albaabada u furto xiriir cusub oo istiraatiiji ah oo ka dhexeeya labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here