Thursday, May 22, 2025

DDS oo Bilaawday Talaal Carruur oo 1.5 Milyan ah

Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS) ayaa si rasmi ah u daahfuray olole talaal oo socon doona muddo 10 maalmood ah, kaasoo lagu gaarsiinayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka bulshooyinka ku nool degmooyinka iyo magaalooyinka deegaanka. Ololahan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, xafiisyada kale ee bahwadaagta ah iyo qaar ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda deegaanka Soomaalida Inta lagu guda jiro ololahan, waxaa la qorsheeyay in la talaalo in ka badan hal milyan iyo shan boqol (1,500,000) oo carruur ah. Ujeeddadu waa in dhammaan carruurta laga ilaaliyo cudurrada dilaaga ah, loona dhiso mustaqbal caafimaad qaba.

Muuse Axmed, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ololaha ayaa sheegay in tallaalku yahay tiir muhiim u ah caafimaadka ubadka iyadoo curaad la ga talaalayo ay ka mid yihiin jadeecada, nafaqa darrada, iyo  cudarrada kale ee  hooyada iyo dhallaanka ay wajahaan.

Wuxuu yiri:
“Muhiimadda uu leeyahay tallaalkan aan bixinayno waa mid weyn, waayo waa tallaal isku dhafan oo ka kooban dhammaan tallaalladii guud ee loogu talagalay carruurta in ay helaan. Waa muhiim in aynu carruurteena siino tallaalka ay xaqa u leeyihiin si aan u dhisno jiil caafimaad qaba oo mustaqbalka waxtar u leh bulshada.”

Ololahan ayaa sidoo kale ah fursad lagu wacyigelinayo bulshada, si loo fahamsiiyo muhiimadda tallaalka iyo adeegyada kale ee caafimaadka ee la heli karo inta ololuhu socdo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here