Thursday, May 22, 2025

Puntland oo bilaawday dhoofinta xoolaha ee bisha Carafo

Boosaaso, Soomaaliya – Dekedda Boosaaso ayaa xalay dhoofisay 80,000 xoolo ah gaar ahana Ariga oo loo diray Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Yemen, taasoo  bilaab u ah dhoofinta xoolaha ee bisha carafo iyadoo xoolahaan lagu qaaday laba markab iyo shan doonyo.


Munaasabadda dhoofinta xoolaha ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Puntland, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada Maxamed Faarax, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda Shakir Maxamed, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire, iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyada Maxamed Faarax ayaa sheegay in Puntland ay xoogga saarayaan maalgelinta xoolaha iyo dhaqashadooda, isagoo tilmaamay in xooluhu yihiin “ilaha dhaqaale ee Puntland.” Wuxuu sidoo kale ku baaqay in Soomaalida, gaar ahaan kuwa Puntland, ay maalgelin dheeraad ah ku sameeyaan xoolaha iyo dhaqashadooda si loo dardargeliyo horumarka dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa Puntland, in ay maalgelin dheeraad ah ku sameeyaan xoolaha, dhaqashadooda, badintooda iyo naaxintooda, si aan u badino maadaama ay xooluhu yihiin batroolka aan hadda heysanno,” ayuu yiri Maxamed Faarax.

Ganacsatada xoolaha dhoofinaya ayaa sidoo kale muujiyay rajo wanaagsan, iyagoo sheegay in dekedda Boosaaso ee la balaariyey dayactir weyn lagu sameeyay ay tahay fursad weyn oo kor loogu qaadi doono dhoofinta xoolaha.

Dhoofinta xoolaha ayaa bilaabatay iyadoo 10 maalmood ka harsan tahay xilliga xajka, oo xoolo badan ay Soomaaliya dhoofiso xilligaan oo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here