JOWHAR, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga hor timid warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya, taasoo gobolka Shabeellaha Dhexe ku sheegtay midka ugu saboolsan dalka, halka gobolka Hiiraan laga dhigay kaalinta labaad ee saboolnimada.
Warbixinta oo qayb ka ah wejiga labaad ee Mashruuca Tirakoobka Soomaaliya, ayaa lagu soo bandhigay 22-ka May magaalada Muqdisho, iyadoo lagu saleynayo Sahanka Qoysaska Isku-dhafan ee la sameeyay sannadkii 2022. Waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta sicirka badeecadaha ee rubuca koowaad ee sannadka.
Bayaanka ka soo baxay Hirshabeelle oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa lagu dhaleeceeyay hay’adda tirakoobka, iyadoo lagu eedeeyay in aanay si dhab ah u fahmin sooyaalka iyo hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed. “Hiiraan iyo Shabeellada dhexe in Tay’adda Tirakoobka Qaranka ay ku qiimeyso goballada Soomaaliya ugu faqrisan waa ayaan-darro waxana ay caddeyn u tahay inay la socon sooyaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Hirshabeelle
Hirshabeelle waxay xustay in badi dadka deegaanka ay yihiin xoolo dhaqato, beeraley iyo kalluumeysato — kuwaas oo ah ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ay saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha dadka, taasoo aan si buuxda loogu xusin warbixinta.
Diidmadaan Hirshabeelle ayaa waxay su’aal gelinaysaa kalsoonida lagu qabi karo tirakoobyada qaran haddii aysan wada shaqeynta intaan ka badan.
Khilaafkan ayaa muujinaya caqabadda wali ka taagan fahamka iyo wada shaqeynta nidaamka federaalka Soomaaliya.