Hargeysa – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Cali Ayaanle, ayaa ka hadlay booqashada dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Jabuuti, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dhinac.
Sida uu sheegay wasiirku, intii lagu guda jiray booqashada, labada madaxweyne ee Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro madaxweynaha Somaliland ayaa ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo dhaqanka. Ayaanle ayaa muujiyey in booqashadani ay tahay fursad muhiim ah oo Jabuuti iyo Somaliland ka dhex abuuray wada-shaqeyn cusub oo xooggan.
“Kulamadaasi waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi, bulsho iyo wada-shaqeynta amniga gobolka,” ayuu yiri Ayaanle.
Ayaanle ayaa sidoo kale tilmaamay in laga wada hadlay mashaariicda ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadooyin muhiim ah oo isku xiraya Somaliland iyo Jabuuti, taasoo saameyn weyn ku yeelan doonta isku-xirnaanta dhaqaale ee Jabuuti iyo Somaliland.
Wasiirku wuxuu si gaar ah u magacaabay wado kasoo bixi doonta lawyacada xuduuda Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan, iyadoo ilaa Kalabaydh soo gaari doonto. Taa soo uu sheegay in uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirku wuxuu muujiyey rajada uu ka qabo mustaqbalka iskaashigan, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay sii wadaan xiriirkii istiraatiijiyadeed ee ay ku leeyihiin danaha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.