Saturday, May 24, 2025

In ka badan 23,000 Arday ayaa u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland

Garoowe, Soomaaliya – In ka badan 23,000 oo arday ah ayaa maanta si rasmi ah u fadhiistay Imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ee sanadka 2024-2025.

Imtixaanka waxaa si rasmi ah u furay Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, oo ugu rajeeyay ardayda Puntland in Alle ka fududeeyo imtixaanka ay maanta u fadhiistaan.

Wuxuu adkeeyay in imtixaanka uu la jaanqaadayo manhajka rasmiga ah ee Puntland, kaasoo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in 23,768 arday ay maanta u fariisteen imtixaanka shahaadiga ee 2024-2025, kuwaasoo ku sugan 33 degmo oo Puntland ah.

Imtixaanka waxaa lagu qabanayaa 151 xarumood, waxaana howsha ilaalinta iyo maamulidda imtixaanka ka qeyb qaadanaya 1,247 ilaaliye, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Ardayda galaysa imtixaanka ayaa ka kooban Fasalka 8-aad iyo Ardayda ka baxeysa Dugsiga Sare sida ay sheegtay wasaaradana waa sanadkii 22 -aad ee imtixaanaadkaan ay qabaneyso.

Tirada ardayda imtixaanka gelaysa ayaa ka badan kuwii sanadkii hore ee 21,801 arday oo u fariistay Imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Puntland ayaa imtixaanaadkeeda Shahaadiga ah uu ka madaxbanaanyahay kuwa Dowladda Federaalka, iyadoo horay u jartay wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhexeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here