Muqdisho, 24 May 2025 – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in 136 xildhibaan ay taageereen hindisahan, hal xildhibaan uu diiday, halka shan kalena ay aamuseen. Ansixintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo la xiriirta dib-u-habaynta nidaamka diiwaangelinta dadka iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
Hindise sharciyeedkan ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo diiwaangelinta dadka iyo tirakoobka, si loo helo xog rasmi ah oo sax ah oo gacan ka geysaneysa qorsheynta iyo fulinta adeegyada dadweynaha, gaar ahaan xilliyada xaaladaha degdega ah sida barakaca iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Ansixintan ayaa sidoo kale muujineysa sida Baarlamaanka Soomaaliya uu uga go’an yahay taageeridda sharciyada iyo nidaamyada horumarinta dalka, iyadoo la rajeynayo in sharcigan cusub uu gacan ka geysto xoojinta dowladnimada iyo nabadgelyada Soomaaliya.