Muqdisho, 25-ka may 2025 — Mustafa Maxamed Macalim, Agaasimaha Guud ee Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Gobolka Banaadir, ayaa ka digay khataraha sii kordhaya ee ka jira xeebaha Muqdisho, isagoo xaqiijiyey in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dhinteen shan qof, oo ay ku jiraan carruur, ka dib markii xaaladaha badda ay kaceen xeebta Liido iyo guud ahaan xeebaha kale ee gobolka.
Mustafa ayaa sheegay in dabaylo xooggan iyo hirar badeed oo halis ah ay sabab u yihiin dhimashadaas, isagoo uga tacsiyeynaya qoysaska ay ka dhinteen. “Waxaa jira khasaaro, 5 qof oo carruur ah ayaa ku dhimatay muddo 2 maalmood ah, taasoo ay sabab u tahay badda kacsan iyo dabeysha xooggan ee jirta,” ayuu yiri Mustafa.
Wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka, gaar ahaan waalidiinta, inay ka taxadaraan marka ay carruurta imaanyaaan xeebaha, isagoo sidoo kale ku booriyey dadka dalxiiska u yimaada iyo kalluumeysatada inay ka digtoonaadaan halista badda.