Muqdisho, Soomaaliya — Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay in ay qabteen Shariif Maxamed Axmed kadib markii lagu eedeeyay dilka Cabdifitaax Cabdi Cismaan, oo ahaa ciyaaryahan hore uga soo ciyaaray kubadda cagta qaranka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraalka Booliska, eedeysanaha waxaa la horgeyn doonaa maxkamad awood u leh kiiskaas.
“Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh eedeysanaha”, ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Astaan Tv, oo ah warbaahinta uu Cabdifitaax ka shaqaynayey, waxa ay sheegeen in Cabdifitaax lagu dilay xilli uu ku guda jiray shaqadiisii subaxnimadii 25 May 2025.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa magaciisa iyo sawirkiisa sii daayay walow aysan ka bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiska iyo sida uu ku dhacay.