Thursday, May 29, 2025

Kenya oo ka hortimid furitaanka Xafiis Wakiilnimo ee Somaliland

Nairobi, Kenya  – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa xaqiijisay in furitaanka xafiis wakiilnimo oo Somaliland ku yeelan rabto Nairobi 27-kii May 2025 aanu suurtagal ahayn, isla markaana dowladda Kenya aysan oggolaan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaradda soo saartay 26 May 2025 ayaa lagu sheegay in xafiiskaas aanu helin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda Kenya, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay in uu siinayo xafiiskaasi darajo diblomaasiyadeed, aysan sharci ahaan aqoonsanayn oo aan la oggolaan karin.

“Furitaanka xafiiskaasi lagu magacaabay xafiis diblomaasiyadeed ma helin oggolaanshaha Jamhuuriyadda Kenya, isla markaana ma oggolaan doonno inuu sii socdo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay ku celisay sida Kenya uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ah u aragta hay’adda sharciga ah ee kaliya ee masuulka ka ah arrimaha dalka.

War-saxaafaddu waxay intaa ku dartay in Kenya ay qiimeyso xiriirka ay la leedahay Somaliland iyo maamullada kale ee goboleedyada kale Soomaaliya, islamarkaana ay dadaal ugu jirto horumarinta iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarka, dhammaan iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida Soomaaliya iyo la-tashiyo lala sameeyo dowladda federaalka.

Hadalkan ayaa kasoo baxay Kenya iyadoo Somaliland ay qorsheyneyso inay xarig jari doonto dhismo cusub oo ay ku yeelaneyso Kenya, kaasoo la sheegay inuu noqon doono safaaradda Somaliland ee magaalada Nairobi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here