Monday, June 9, 2025

DDS oo Sheegtay Tirada Xujeyda Sanadkan uga Qayb Galaya Xajka

DIRE DAWA, ITOOBIYA – Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa xaqiijisay 1 Juun 2025 in sanadkan 2025, guud ahaan 1,700 oo xujey ah oo ka soo jeeda deegaankaasi u tageen Xajka.

Warbixintan oo ay soo saartay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee DDS ayaa lagu sheegay in dhammaan xujeydaasi ay si nabad ah ku gaadheen dhulka barakaysan ee Xaramaynka, xilli ay tahay sanadkii 1446 Hijri.

“Sanadka 1446 (2025) oo Deegaanka Soomaalida ka xajiday xujay gaadhaysa 1700 oo Xaaji ayay dhammaantood si nabada ku gaadhay dhulka barakaysan ee Xaramaynka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay warbaahinta Dowladda Deegaanka.

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDS ayaa intaas ku daray in ay si guul leh u abaabuleen una dhammeystireen adeegyada aas-aasiga ah ee xujeyda u baahan yihiin, sida diyaarinta dukumentiyada, barnaamijyo wacyigelin caafimaad, iyo taageero ka timid xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee ka caawiyay xujeyda, taasoo suurtogal ka dhigtay in xajka sanadkan si habsami leh loo fuliyo.

1,700 xujeyda  ee DDS ayaa qeeb ka ah 1,255,199 xujey oo  si guud u gaareen Sacuudiga si ay uga qayb galaan Xajka 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here