Monday, June 9, 2025

Jabuuti oo xoojineysa nidaamkeeda Waxbarasho

Jabuuti – Wasaaradda Waxbarashada Qaranka & Tababarka Xirfadaha iyo Wasaaradda Waxbarashada Sare & Cilmi-baarista ee dalka  Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis dhismeed (framework agreement) oo saldhig adag u noqonaya iskaashi waara oo dhexmara labada dhinac. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in si wanaagsan loogu habeeyo safarka waxbarasho ee ardayda laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed ay ka gaarayaaan

Xafladda saxiixa heshiiskan  ayaa  lagu qabtay dugsiga “Excellence” Juun 2, 2025, waxaana si rasmi ah u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Qaranka, Moustapha Mahamoud Mohamed, iyo Wasiirka Waxbarashada Sare, Dr. Nabil Mohamed Ahmed.

Iskaashigan oo ay khubarada waxbarashadu ku tilmaameen “mid taariikhi ah”, waxa uu sal dhig u yahay qorshe-wadaag ku wajahan arrimo muhiim ah sida: horumarinta xirfadaha macallimiinta, xiriirka u dhexeeya manhajyada iyo cilmi-baarista, hagaajinta habdhiska koorsooyinka, iyo kor u qaadidda fasallada diyaargarowga ee dugsiyada sare kuwaas oo weli aan si buuxda loo aqoonsan balse leh awood wax-ku-ool ah.

Wasiir Moustapha Mahamoud Mohamed oo ugu horreyn hadal jeediyey ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda uu heshiiskani leeyahay, isagoo yiri:
“Qoraalkani waa qalab dhab ah. Wuxuu naga caawinayaa inaan tirno isqabqabsiga weli caqabad ku ah dhalinyaradeenna. Waxaa la gaadhay xilligii aan u samayn lahayn ardaydeena waddo furan, mid cad oo xiriir ah, laga bilaabo dugsiga hoose ilaa jaamacadda, hal ereyna waa muhiim: tayada (excellence).”

Ujeedka heshiiskaan ayaa ah  in arday walba si joogto ah loola socdo safarkiisa waxbarasho,. Wada-shaqayntan ayaa lagu doonayaa in lagu dhiso nidaam waxbarasho oo muuqda, hufan, isla markaana ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee ardayda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here