Muqdisho, Soomaaliya – Muqdisho Waxaa Juun 2, 2025 si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah, kaasoo socon doona muddo labo maalmood ah. Shirkan oo ay qabanqaabisay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, sidoo kalena waxaa goobta joogay hay’ado caalami ah oo ka taageera dowladda federaalka Soomaaliya dhinaca ammaanka iyo xakameynta hubka sharci darrada ah.
Wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha iyo masuuliyiin kale ee shirka ka soo qeyb galay waxa ay aragti isku mid ah kawada qabaan dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030 ee maareynta hubka, rasaasta iyo qaraxyada macmalka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in si loo maareeyo hubka si hufan, loo baahan yahay in la helo bakhaaro casri ah oo lagu keydiyo hubka, gaadiid ammaan ah oo lagu qeybiyo meelaha fogfog, nidaamyo dijitaal ah oo lagu raadiyo hubka, iyo isla xisaabtan dhab ah oo u dhexeeya ciidammada kala duwan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo maamul hufan oo hubka ah
“Istiraatiijiyadda maareynta hubka iyo rasaasta 2025-2030 waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa xirfadaha, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka hay’adaha amniga. Ma aha dukument siyaasadeed oo keliya, balse waa ballan qaad qaran oo waajib ah oo tilmaamaya in hubka iyo rasaasta si mas’uuliyad leh loo maareeyo dhammaan marxaladaha kala duwan” ayuu yiri Ahmed Macalin Fiqi
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa wadamada Africa ee qaraxyada ugu qasaraha badan uu ka dhacay, marki ay qarax timaadama waxaa jirto mid aan qalbiyada Soomaalida ka go’in qaraxii Soobe.
La-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu fariin u diray dalalka deriska ah ee gobolka, isaga oo ku boorriyay in si wadajir ah looga shaqeeyo xakameynta hubka iyo ka hortagga in hubka sharci darrada ah uu ka gudbo xuduudaha.
“Fariintani waxay si gaar ah ugu socotaa saaxiibada caalamka, gaar ahaan dalalka saaxiibada ah, si loo helo qaab-dhismeed gobolka looga hortago hubka isaga gudba. Arrintan waa mudnaanta koowaad ee aan diiradda saarayno” ayuu yiri lataliyaha amniga Xuseen Macalin.
kadib markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee 2022, dowladda ayaa marar badan ballanqaaday in ay xakameyn iyo maamul hufan ka samayn doonto hubka dalka, taasoo shirkan maanta ka socda qeyb ka tahay dadaalladaas.