Monday, June 9, 2025

Maxaa Loogu Daray Luqadda Soomaaliga Turjumaadda Khudbadda Xajka

SACUUDIGA – Wasiirka Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka hadlay sababta loogu daray luqadda Soomaaliga luqadaha lagu turjumayo khudbadda maalinta Carafo ee Xajka sanadkan.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in sababta ay tahay in xujeyda Soomaaliyeed la dajiyey meel u dhow masjidka la yiraahdo Namirah, halkaasoo khudbadda maalinta Carafo laga jeediyo laga maqli karo, taasoo loo baahan yahay in si toos ah loogu turjumo si ay u fahmaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa 31 May 2025 ku dhawaaqday in khudbadda Xajka ee sannadka 1446 Hijri (2025 Miilaadiga) ee la jeedin doono Khamiista, 9ka Dhul Hijjah 1446, isla markaana lagu turjumi doono 34 luqadood oo ay Soomaaligu ka mid tahay, si loo daboolo baahiyaha luqadeed ee kala duwan ee Muslimiinta caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here