Monday, June 9, 2025

Dab Baaxad Leh oo Ka Kacay Kaymaha Jabuuti

Soohoyde

Tadjourah, Jabuuti – Dab xooggan ayaa 3 June 2025 ka kacay keymaha Day ee gobolka Tadjourah, waqooyiga dalka Jabuuti, kaasoo si ba’an u baabi’iyay dhul ballaaran oo kaymaha ah.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday dhanka xeebta ee ku dhow buuraha Sheikh Baayasiid, kadibna si xawli ah ugu fiday kaymaha Day oo ka mid ah meelaha ugu cagaaran dalka Jabuuti. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, dabkan ayaa baabi’iyay in ku dhaw 50 hektar oo dhul kaymo ah, balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

Ka dib saacado badan oo ay socdeen dadaallo lagu daminayo dabka, ugu dambeyn, ciidamada dab-damiska Jabuuti ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabkii qabsaday deegaanka.

Dhanka kale, ciidamada Gendermeiga Jabuuti ayaa bilaabay baaritaanno rasmi ah si ay u ogaadaan sababta keentay inuu dabkan weyn ka kaco kaymaha Day, oo ah meel deegaan muhiim ah u ah noolaha dabiiciga ah ee dalka.

Kaymaha Day waxay dhacaan gobolka Tadjourah, waxaana loo aqoonsan yahay inay yihiin meelaha ugu cagaaran dalka Jabuuti. Waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dhulka aadka u yar ee kaymaha leh ee laga helo dalka, iyadoo ay hoy u tahay noocyo badan oo duurjoog ah oo gaar u ah deegaankaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here