By Asha Elmi
MUQDISHO, SOOMAALIYA – Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga degmada Dharkenley ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.
Qoraal uu soo saaray Taliska Qeybta Guud Juun 4, 2025, ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Aadan, oo ku soo labistay tuutaha Militeriga, isagoo aan ka tirsaneyn Ciidamada Qaranka, uuna iska duubay muuqaal isagoo handadaya dad shacab ah.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, kaas oo ku kacay marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn Ciidanka Qalabka Sida,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska.
Muuqaalka eedeysane Maxamed ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana la arkayay isagoo ku amray dadka inay is-diiwaangeliyaan.
Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeynayo maxkamadda si loo qaado tallaabo sharci ah.
Arrinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jireen isbuucyadii lasoo dhaafay eedo la xiriira in Gudiga Doorashooyinka uu ciidanka u adeegsano in dadka uu qasbo inay is-diiwaangeliyaan, taasoo Guddiga Doorashooyinka uu si xooggan u beeniyay.