Monday, June 9, 2025
Array

Yaa cawa guuleysan doono 40 jirka iyo 17 jirka?

By Abdullahi Salad

Portugal iyo Spain ayaa cawa ku tartamaya in ay noqdaan kuwi ugu horreeya ee ku guuleysta UEFA Nations League laba jeer, ciyaar ka dhici doonta garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, Germany.

Portugal ayaa ku guuleysatay koobka markii ugu horreysay ee tartankan la bilaabay 2019, halka Spain ay tahay difaacadayaasha koobka 2023. Finalkaani sidoo kale waa markii ugu horreysay ee ay ku kulmaan labada waddan ee dhaca waqooyi Galkbeed Yurub.

Jilaayayaasha laba jiil oo kala duwan oo xirfadlayaal kubadda cagta ah, Cristiano Ronaldo iyo Lamine Yamal waxay kala hor kacayaan dalalka ku yaal Waqooyi Galbeed Yurub. Waa waxa gaarka ka dhigaya sheekooyinka kulankaan kama dambeysta ah ee UEFA Nations League.

Cristiano Ronaldo hogaamiyaha 40-jirka ah ayaa doonaya inuu ku daro koob kale waayihiisa koobeed ee Portugal, Dhanka kale Lamine Yamal 17-jirka dunida ay ka yaaban tahay ayaa doonaya koobkiisi labaad ee Spain uu la qaado, iyo kii afaraad ee xilli ciyaarteed.

Ronaldo hadii cawa ku guuleystay ciyaarta waxa uu noqon doonaa kii ugu da’da waydaa ee tartankaan qaado, halka Yamal uu noqon doono midki ugu da’da yaraa ee ku guuleysta tartankaan, adigu yaa la jirtaa cawa labadaan Xul?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here