Monday, June 9, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jarar

Ku dhawaad kun arday oo baratay xirfadaha farsamada gacanta, waxsoosaarka beeraha, iyo xanaanada xoolaha oo maanta ka qalin jabiyay kuliyada xirfadaha kala duwan ee Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Muqdisho

Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ay saaka weerar culus ku qaadeen kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Munich

Portugal iyo Spain ayaa cawa ku tartamaya in ay noqdaan kuwi ugu horreeya ee ku guuleysta UEFA Nations League laba jeer, ciyaar ka dhici doonta garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, Germany.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saddex horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, taariikhdu markay ahayd 6-da Juun 2025.

Addis Ababa

Midowga Afrika ayaa ka walaacsan go’aanka Mareykanka ee xanibaadda safaradda qaar ka mid ah dalalka Afrika. Qoraal uu soo saaray Midowga Afrika 5-tii bishaan ayaa lagu muujiyay walaaca ka dhashay xanibaadda cusub ee uu Mareykanku soo rogay, iyagoo ugu baaqay Mareykanka in uu wadahadal la yeesho dalalka ay xanibaaddu saameysay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here