By Asha Elmi
Addis Ababa, Itoobiya – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan shirkadda Ethiopian Airlines xarunteeda magaalada Addis Ababa, si ay uga wadahadlaan xoojinta iskaashiga duulista hawada ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, kulanku wuxuu diiradda saaray dardargelinta xiriirka labada dhinac ee dhanka gaadiidka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wadahadalladu waxay ku saabsanaayeen casriyeynta garoomada diyaaradaha Puntland, kor u qaadista xirfadda iyo tababarka shaqaalaha duulista, iyo kordhinta duulimaadyada ay shirkadda Ethiopian Airlines ku tagto Puntland. Sidoo kale waxaa laga hadlay furitaanka goobo cusub oo diyaaraduhu ka degaan gobolka, taas oo horseedi karta isku xirnaan dhaqaale iyo dadweyne oo ballaaran.
Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah shirkadda diyaaradaha ugu weyn Afrika waxaana leh Dowladda Itoobiya. Waxay haatan si toos ah ugu duushaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo duulimaadyadaas si rasmi ah u bilowdeen bartamihii 2019.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasadeed oo kacsan, maadaama Puntland ay hakisay xiriirka ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay khilaafaad ku saabsan arrimaha federaaleynta, doorashooyinka, iyo maareynta kheyraadka.
Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta Itoobiya ayaa laga yaabaa inuu sii murjiyo xiriirka dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo Puntland ay si xowli ah u wado dadaalkeeda ku aaddan in ay horumariso siyaasadeeda dibadda iyo ammaankeeda gudaha.
Fal-analyayaal badan waxay aaminsan yihiin in Kulanka uu xambaarsan yahay fariin siyaasadeed oo cad—taasoo muujinaysa isku dhawaansho labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ah.