By Sayyid Omar
Muqdisho, Somalia – 14 Juun 2025 — Iiran ayaa xalay weeraro jawaab celin ah ku qaaday Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay fulisay weerarkeedii ugu ballaarnaa abid ee ka dhan ah Iran, sida ay sheegtay dowladda Israa’iil.
War ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay in tobannaan gantaal laga soo riday Iran, kuwaas oo ku socday Israa’iil, iyadoo qaar ka mid ah gantaalladaas la qabtay.
“Saacaddii ugu dambeysay, tobannaan gantaal ayaa laga soo riday Iran, kuna socday Israa’iil, qaar ka mid ahna waa la qabtay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Israa’iil.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA, Tehran ayaa ridday boqollaal gantaal oo ah kuwa riddada dheer, kadib markii Israa’iil ay duqeysay xarunta weyn ee nukliyeerka ee Natanz, isla markaana dishay saraakiil sare oo ciidan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawiyeen soo ridista gantaallo Iran soo riday oo ku socday Israa’iil, waxaana ay sheegtay Israa’iil in inta badan gantaalladaas ay qabteen ama aan gaarin bartilmaameedyadii loo socday. Si kastaba ha ahaatee, dhowr dhisme oo ku yaalla gudaha iyo agagaarka Tel Aviv ayaa la beegsaday, iyadoo wararku sheegayaan in gantaalladaasi ay ku dhaceen goobo muhiim ah.
Sidoo kale, hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA) ayaa toddobaadkan soo saartay warbixin ku sheegaysa in Iran ay jebisay heshiiska caalamiga ah ee xakamaynta faafinta hubka nukliyeerka. Heshiiskani ayaa gaaray sanadkii 2015, iyadoo Iran ay ballanqaadday in ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in aysan weli goor dambe ahayn in Tehran ay joojiso duqeymaha Israa’iil, iyadoo heshiis cusub lagaga gaarayo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Weeraradan cusub ee dhexmaray Iran iyo Israa’iil ayaa qayb ka ah xiisadaha sii kordhaya ee ka dhex jira labada dhinac, iyadoo ay jiraan walaacyo ku aaddan saameynta ay arrintani ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida gobolka.